|
Nageyle,(Insidesomalia.org)- Qarxyo ayaa ka dhacay Shalay Magalada Nageeyle ee Gobolka Liibaan ee dhulka ismaamulka Soomaalida ee Dalka Itoobiya.
Wararka laga helayo Magaalada Nageeyle ayaa sheegay in ilaa iyo 3 Qarax ay ka dheceen meel ay ka socotay Munaasibad weyn oo ay ka qeeyb galayeen Saraakiil ka socotay Dowlada Dhexe ee Itoobiya iyo Maamulka Gobolkasi
Ma cada qasaaraha ka dhashay qaraxyadasi, iyadoo aysan laheyn Wax isgaarsiin ah goobat ay qaraxyadu ka dheceen ee Magaalada Nageeyle ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen qaraxyo dhoowr ah oo aysan sheegi kari waxa ay ka dhasheen iyo halka ay ka dheceen iyo weliba cida lala eeganayay in kastoo ay sheegeen in ay ula muuqatay in lala lala beegsanayey dadka isuguyimid Munaasabada.
Masuuliyiin ka tirsan Jabhada Islaamiga ah ee kadagaalanta dhulka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegay in dagaal yahano iyaga taabacsan ay qaraxayadasi ka danbeeyeen, waxaana ay sidoo kale sheegeen in ay waxyeelo u geeysteen saraakiil Itoobiyaan ah oo halkasi ku sugnaa.
Ma jiraan ilo ka madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Jabhada Islaamiga ah.
Wararka ka imaanaya Magaladasi ayaa sheegay in qaraxyadasi loo qab qabtay dad dhoowr ah, waloow aysan cadeeyn tirade dadkasi iyo halka loo kexeeyay.
Rabshadaha iyo dagaalada ka dhacaya dhulka Soomaalida ee Itoobiya ayaa waxaa ay sababeen in ay indhaha Caalamka soo jeestaan dhibaatooyinka ka soo gaaraya dadka Rayidka ah ee ku nool halkasi.
|